quranm◉

Suurad Al-Baqarah 2:177

۞لَّيۡسَ ٱلۡبِرَّ أَن تُوَلُّواْ وُجُوهَكُمۡ قِبَلَ ٱلۡمَشۡرِقِ وَٱلۡمَغۡرِبِ وَلَٰكِنَّ ٱلۡبِرَّ مَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَٱلۡمَلَـٰٓئِكَةِ وَٱلۡكِتَٰبِ وَٱلنَّبِيِّـۧنَ وَءَاتَى ٱلۡمَالَ عَلَىٰ حُبِّهِۦ ذَوِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينَ وَٱبۡنَ ٱلسَّبِيلِ وَٱلسَّآئِلِينَ وَفِي ٱلرِّقَابِ وَأَقَامَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَى ٱلزَّكَوٰةَ وَٱلۡمُوفُونَ بِعَهۡدِهِمۡ إِذَا عَٰهَدُواْۖ وَٱلصَّـٰبِرِينَ فِي ٱلۡبَأۡسَآءِ وَٱلضَّرَّآءِ وَحِينَ ٱلۡبَأۡسِۗ أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ صَدَقُواْۖ وَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُتَّقُونَ ﴿١٧٧﴾

◉

Tarjumid

177. Ma aha samahu inaad u jeedisaan wejiyadiinna bariga iyo galbeedka; waxaase sama ah inuu qofku rumeysan yahay Alle, Maalinta Aakhiro, Malaa’igta, Kitaabka (Alle) iyo Nabiyada, ee siiya maal isagoo jecel [37] kuwa qaraabada ah, agoomaha, masaakiinta, tub ku joogga (socotada go’doonsan), kuwa wax weydiista, iyo ku xoreynta addoomaha, ee ooga salaadda, oo bixiya Sakada, oofiyana ballantooda markay ballan galaan, oo samir yeesha waqtiga faqriga, jirrada iyo dagaalka - Kuwaa weeye kuwa run sheegga ah, oo kuwaa weeye kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha).
— Abdullah Hassan Yacoub
Samo falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan Qorax ka soo bax iyo Qorax u dhac laakin sama fale waa ruuxii rumeeya Eebe, Qiyaame Malaa'igta. Kitaabka (kutubta Alle), Nabiyada, oo siiya Xoolaha isagoo jeeel Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta, Masaafirka, kuwa baryootama, Fakin qoor, oogana Salaadda, bixiyana Zakada, oofiyana ballankooda, markay ballamaan, Samra (adkaystana) Waqtiga saboolnimada. Kirrada iyo Dagaalka, kuwaasina waa kuwa ka runsheegay Iimaankooda waana kuwa dhawrsada.
— Mahmud Muhammad Abduh

Mawduucyo · Aayad

◉ Suurad · ∞